Home Wararka Gudaha Wasaaradda Amniga oo ku dhawaaqday inay fasaxday dibadbaxa khamiista

Wasaaradda Amniga oo ku dhawaaqday inay fasaxday dibadbaxa khamiista

176
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Wasaarada amniga Soomaaliya oo uu Wasiirka ka yahay Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaacisay inay fasaxday Banaanbaxa berri ka dhacaya Muqdisho, kaas oo ah mid lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble loogana soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga oo ku taariikheysan 10-kii Bishaan ayaa waxaa lagu sheegay in banaanbaxa ay Wasaaradda ka codsadeen Golaha Bulshada Banaadir in hay’adaha amniga ay amnigooda sugaan inta ay banaanbaxa oo ay ku muujinayaan dareenkooda siyaasadeed & taageerida dardar gelinta doorashooyinka dalka.

Qoraalka Wasaaradda amniga ayaa lagu shaaciyay in banaanbaxa uu ogyahay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Filish, iyada oo shalay uu Maamulka Gobolka sheegay in aan la aqbali dooni banaanbaxa, waxaana la faray Saraakiisha Hay’adaha Amniga inay sugaan Amniga banaanbaxayaasha.

” lyada oo la tixgelinayo xuquuqda dastuuriga ah ce bulshada u leedahay in ay qabsadaan isu soo bax nabadeed sida ku cad qodobka 20aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah waxaa la farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir in ay sugaan amniga dibad baxayaasha muddada ay samaynayaan dibad baxa nabadecd.

Ugu dambeyn guddiga qaban qaabada dibadbaxa nabaneed ayaa  waxaa lafara in ay ka fogaadaan wax rabshada ah sidoo kalana si dhow ula shaqeeyaan hay ‘adaha sugaya amniga dibad baxayaasha.

lama oga sida uu noqon karo xaalka Magaalada Muqdisho ee la xiriira banaanbaxa, iyada oo la ogaa in Bishii Abriil ee sanadkii tegay ee 2021 Muqdishoagu rasaaseeyay Shacab iyo Xubno kamid ah Midowga Musharrixiinta oo banaanbax dhigayay.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.