Home Wararka Gudaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Oo War Ka Soo Saartay Dilkii Ka Dhacay Kismaayo

Wasaaradda Amniga Jubbaland Oo War Ka Soo Saartay Dilkii Ka Dhacay Kismaayo

182
0

(Kismaayo-Xog-ogaal) Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Maanta waxaa shir looga hadlayay amniga ku yeeshay Madaxda Wasaaradda amniga Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur,waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Jubbada Hoose iyo Saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga maamulkaas.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan,hayeeshee waxaa diirada lagu saaray ahimiyada dhanka ammaanka iyo adkeynta nabadgelyada deegaanada maamulka Jubbaland.

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in xil la iska saaro ilaalinta nabadgelyada deegaanka,isla markaana waxaa uu ka hadlay Dilkii xalay Magaalada Kismaayo loogu geystay Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim Xasan kaasi oo kamid ahaa Waxgaradka kunool halkaasi.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa tacsi u diray dhammaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuunka,waxaana uu been abuur ku tilmaamay Sawirro baraha Bulshada lagu arkay oo lagu sheegayay in uu ahaa Cabduqaadir Ibraahim Xasan,kadib markii xalay la dilay la soo dhigay.

Allaha u naxariistee xalay ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Jubbaland kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dileen Nabadoon Cabduqaadir Ibraahim Xasan,waxaana dilkiisa ka hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe,isagoo laamaha amniga Jubbaland faray inay si deg deg ah u soo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

xog_ogaal@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here