Axad 23-da October 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ciidamada Booliska Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa xalay xabsiga dhigay Wariye Saadaq Saciid Nuur oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Gobolka Mudug ,taliyeyaasha Qeybta Booliska Gobolka Mudug iyo Saldhigga Gaalkacyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay Weriye Saadaq Saciid Nuur ku xireen Amar uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.
Midowga Suxufiyiinta Galmudug ayaa cambaareeyay xariga Sharci darrada ah ee lagula kacay Wariye Saadaq Saciid Nuur oo kamida Wariyaasha ka howlgalla Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, “ xariga Wariye Saadaq Saciid Nuur ay u geysteen Ciidamada Booliska Degmada Galkacyo ayaa qeyb ka noqonaya tacadiga iyo caburintasSii xargo-goosanaysa ee lagu hayo Wariyaasha iyo Warbaahinta Ka howlgala Maamulka Galmudug, hadaba Anagoo ka duulayna Ilaalinta Xoriyada Hadalka iyo Madax-banaanida Warbaahinta Waxaan Taliska Booliska Qeybta Gobolka mudug Iyo Cidwalba oo ay Qusayso Ka Codsanaynaa inay Xoriyadiisa Si Deg Deg ah u Siiyaan Wariye Saadaq Saciid Nuur.
Horay waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug loogu xiray Wariyeyaal dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Maxamed Cumar Yuusuf ( Booltoon ) Cali Nuur Cayn, Maxamed Siciid Siidhii, waxaana xarigaan uu kusoo aadayaa xilli weli dowladda Soomaaliya uu u xiran yahay xoghayaha Ururka SJS Cabdalla Axmed Muumin.