Home Cayaaraha Wararkii ugu danbeeyay ee Suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada iyo waxa ay ka...

Wararkii ugu danbeeyay ee Suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada iyo waxa ay ka qoreen wargeysyada yurub…

793
0

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA Ciyaaryahanada qaarada yurub oo meel xaaasi ah marayaan waxaan iidiin soo qudbin doonaa hadba waxa ay wargaysyada ugu Afka dheer ay ka qoraan suuqa kal iibsiga ciyaaryahanada.

Juventus ayaa u soo bandhigeysa Manchester United heshiis ciyaaryahan isku bedelasho iyadoon Paulo Dybala uu u wareegayo Old Trafford halka bedelkiisa uu Romelu Lukaku ka degayo Turin. (Sky Sports)

Gareth Bale ayaa la filayaa inuu maanta dhameystiro heshiis seddex sanno ah oo uu u saxiixayo kooxda Jiangsu Suning oo ka ciyaarta horyaalka Shiinaha waxa uu mushahar ahaan uga qaadan doonaa sannadkii 22 milyan euro. (Marca)

Real Madrid ayaa waxaa ku soo kordheysa kalsoonida ay ku qabto inay xagaagan kala soo wareegi karaan kooxda Manchester United xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska ee 26 sanno jirka ah Paul Pogba. (ESPN)

Bayern Municha ayaa wadahadalo la furtay kooxda Manchester City iyadoo dooneysa inay la wareegto 23 jirka garabka ka ciyaara ee Jarmalka Leroy Sane oo lagu qiimeeyo 90 milyan ginni. (Daily Mirror)

Weeraryahanka Romelu Lukaku oo 26 sanno jir ah ayaa u safray wadankiisa Belgium shalay oo Jimco aheyd si uu u hadlo wakiilkiisa iyadoo Inter Milan ay ku dhow dahay inay heshiis 70 milyan ginni la gaarto Manchester United. (Daily Mail)

Atletico Madrid ayaa weli xiiseyneysa saxiixa 28 jirka khadka dhexe ee Colombia James Rodriguez oo ay leedahay kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid. (The Independent)

Milkiilaha kooxda Newcastle Mike Ashley ayaa sheegay inay tababarihii hore Rafa Beitez ay muhiim u aheyd lacagta ka hor kooxda, islamarkaana ay macquul noqon weysay inay tababaraha reer Spain kooxda ku sii hayaan. (Daily Mail)

Weeraryahanka reer Portugal Rafael Leao oo 20 sanno jir ah ayaa ku dhow inuu ka tago Lille oo uu heshiis 35 milyan euro ugu biiro kooxda Talyaaniga ee AC Milan, iyadoo heshiiska ay qeyb ka tahay in Lille ay heli doonto boqolkiiba 20 haddii Milan ay sii iibiso ciyaaryahanka. (RMC Sport)

Kooxda horyaalka Mareykanka ee David Beckham uu leeyahay Inter Miami ayaa sameysay saxiixyadeedii ugu horeysay. Waxa ay la soo wareegeen labo 19 jir ah xdddiga khadka dhexe Matias Pellegrini oo ay kala soo wareegeen Banfield iyo weeraryahan Julian Carranza oo ay kala soo wareegeen kooxda Esudiantes – labadaba waa reer Argentina. (Goal)

Daafaca dhexe ee Real Madrid 22 jirka reer Spain Jesus Vallejo ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Wolves ka hor inta uusan heshiis amaah ah ugu soo wareegin. (talkSPORT)

Inter Milan ayaa  dalab cusub ka soo gudbineysa weeraryahanka Manchester United Romelu Lukaku iyadoo tababare Antonio Conte uu si weyn u doonayo inuu helo xiddigaan. (The Sun)

Emmanuel Adebayor ayaa si lama filaan ah ugu soo laabanaya horyaalka Premier League iyadoo kooxaha West Ham, Sheffield United iyo Watford ay raadinayaan weeraryahan cusub. (The Sun)

Everton ayaa ka fiirsaneysa inay ku darto heshiiska ay ku dooneyso weeraryahanka Crystal Palace Wilfried Zaha xiddigaheeda James McCarthy iyo Cenk Tosun. (Daily Mail)

Weeraryahanka Inter Milan Mauro Icardi ayaa doonaya inuu xagaagan ku biiro Juventus sababtoo ah xaaskiisa Wanda Nara ayaa uur leh mana dooneyso inay ka tagto Italy. (Daily Mail)

Liverpool ayaa qiimo gaaraya 25 milyan ginni waxa ay duldhigeen xiddigooda Harry Wilson ka dib markii uu tababare Jurgen Klopp uu ka balanqaaday xiddiga garabka ka ciyaara inuu siin doono waqti uu ku ciyaaro. (Daily Mirrror)

Arsenal ayaa u dhaqaaqday dhamesytirka saxixia weeraryahanka reer Brazil Everton Soares oo ay 36 milyan ginni ugala soo wareegayaan kooxda Gremio. (Daily Mirror)

 

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.