Home Wararka Gudaha Wararkii ugu dambeyay hoobiyeyaal lagu garaacay xaafdo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo...

Wararkii ugu dambeyay hoobiyeyaal lagu garaacay xaafdo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo Khasaare ka dhashay

121
0

Khamiis 1-da September 2022,  (Muqdisho-Xog-ogaal) Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa waaberigii saakay lagu garaacay xaafdo ku teedsan agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, hoobiyayaasha oo tiradooda lagu sheegay seddex ayaa jugtooda si weyn looga maqlay aaga madaxtooyada ee Filla Soomaaliya iyo xaafadaha ku dhowdhow xarunta dalka looga arrimiyo.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaafiicdaas ay ku habsadeen xaafado ka tirsan degmooyinka Xamar-weyne iyo Boondheere, iyadoo la sheegayo inuu jiro khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah, mid ka mid ah hoobiyeyaashan ayaa ku dhacay guri ku yaala xaafadda Casa Italia ee degmada Xamar weyne, hal ruux ayaa ku geeriyooday, waxaana ku dhaawacmay sedex kale.

Sidoo kale xaafadda Wiil-waal ee degmada Boondheere guri ku yaala oo hoobiye kale uu ku dhacay ayuu hal qof ku dhaawacmay, warar kale ayaa sheegaya in hoobiye ku dhacay Masaajid ku yaala xaafadda Busley ee degmada Boondheere uu hal qof ku dhaawacmay, mana jiro war ka soo baxay laamaha amaanka oo ku saabsan madaafiicdan ku dhacday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.