Home Wararka Gudaha Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Xabsiga Hargeysa & Wariyeyaal la xiray

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Xabsiga Hargeysa & Wariyeyaal la xiray

157
0

Arbaco 13-da April 2022, (Hargeysa-xog-ogaal) Weli rasaas ayaa laga maqlayaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa ee Somaliland halkaas oo la sheegay inay ku dagaalamayaan Ciidamada ilaalada ka haya Xabsiga iyo qaar kamid ah Maxaabiista, in kastoo aan weli la faah faahin sida uu ku billowday dagaalka ayaa waxaa Xabsiga lagu soo kordhiyay Ciidamo isugu jira Booliska iyo Millateri.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xiray Wariye Maxamed Ilig oo ah Milkiilaha Mm Somalia tv iyo Wariye Hassan Galeydh oo Bbc-da usoo waramaya iyo Wariye Axmed Maxamuud Yuusuf oo ka howlgalla Saab TV xilli ay doonayeen inay Bulshada u tabiyaan xaaladdaha kajira Xabsiga Hargeysa.

Xaaad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa iyo Goobaha ku dhow dhow,  waxaana lagu arkayaa Ciidamo Millateri ah oo wata Gaadiidka Gaashaaman.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.