Home Wararka Gudaha Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxda

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxda

153
0

(Baxda-xog-ogaal) Waxaa degan xaaladda degaanka Baxda ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo saaka aroortii hore ay weerar ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaal muddo ku dhow laba saacadood socday ayaa degaanka Baxda ku dhexmaray Ciidamo Boolis ah oo degaanka ku sugan iyo maleeshiyaad degaanka ah oo dhinac ah iyo Al-Shabaab oo dhanka Bari degaanka kasoo galay.

Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in dadka degaanka ay siweyn isaga difaaceen Al-Shabaabkii soo weeraray, isla markaana Al-Shabaab ay u suurto geli weeysay inay la wareegaan degaanka Baxda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Baxda ayaa waxaa ay sheegayaan inay dib uga laabteen Al-Shabaab, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliska iyo maleeshiyaadka degaanka ah, kuwaas oo Amniga siweyn u xaqiijinaya.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.