Home Wararka Gudaha Wararkii ugu dambeeyay dagaal weli ka socda Boosaaso

Wararkii ugu dambeeyay dagaal weli ka socda Boosaaso

256
0

(Boosaaso-Xog-ogaal) Waxaa weli rasaas goos goos ah laga maqlayaa xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso, taas oo u dhaxeeysa Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuwa Ciidamada Hay’adda PSF.

Dagaalka ayaa salka ku haaya xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweynaha Ountland uu ku sameeyay Agaasimaha Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, wuxuuna sivaar ah uga socdaa Xaafada Ridwaan oo ay ku yaallaan Xarumaha Ciidamada PSF.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 Ruux ooSaddex kamid ah yihiin Ciidamada Amaanka Puntland iyo laba qof Shacab ah oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Boosaaso.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kaantaroolka Boosaaso oo ah jidka laga galo, lagana baxo magaalada la xiray, iyada oo is rasaaseynta ciidanka dowladda iyo PSF weli ay socoto.

Goobaha uu dagaalka ka socda ayaa waxaa ku yaalla Xaru.o muhiim ah sida, dekedda, haamaha-shidaalka, madaxtooyada, xarunta PSF iyo xaafado ay dwgan yihiin Dad Shacab ah.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.