Arbco 29-ka June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada baaritaano gelinkii danbe ee shalay lagu sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, afhayeenka madaxtooyada Cabdikriin Cali Kaar ayaa sheegay in madaxweynaha laga waayey xanuunka COVID-19 kadib markii uu maray baaritaan lagu sameeyey, isagoo tilmaamay inuu dhawaan si toos ah usoo shaqa gali doono oo uu dadka la hadli doono.“Madaxweynaha waxaa la baaray mar kale, waana laga waayey xanuunkii, waxaan umadda Soomaaliyeed ee xogta madaxweynaha raadineysay la wadaagayaa in maanta baaritaankii madaxweynaha la marsiiyey uu muujiyey in ka caafimaadan Covid-19,” ayuu Cabdikriin Cali Kaar u sheegay warbaahinta gudaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jimcihii laga helay xanuunka COVID-19 kadib markii uu ka soo laabtay Imaaraatka Carabta, isagoo goob gaara isku karantiilay, si uu u raaco talooyinka caafimaad, wuxuuna ka baaqday inuu ra’iisul wasaaraha horgeeyo baarlamaanka, xuska 26-ka June iyo munaasabadii shalay uu xilka ku wareejiyay ra’iisul wasaarihii hore Xamse Cabdi Barre.