Home Wararka Gudaha Warar kala duwan ayaa ka soo baxay Afar ruux oo lagu dilay...

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay Afar ruux oo lagu dilay duleedka Dhuusamareeb

338
0

(Dhuusamareeb-Xog-ogaal) Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dila Afur ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Falka lagu dilay dadkaas ayaa xalay waxaa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Dhiin-waris oo ku dhow duleedka Magaalada Dhuusamareeb,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Afarta ruux ee la dilay  ay ahaayeen kuwo ka shaqeeynayay Xarun Malabka Shinida lagu maalo oo ku taalla deegaanka Dhiin-waris,isla markaana la sheegayaa in loo dilay arrimo la xiriira Aano Qabiil.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in dadkaas ay ka soo jeedaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,In kastoo warkaas aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

illo wareedyo  ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleelka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dadkii la dilay Meydadkooda loo soo qaaday dhanka Dhuusamareeb.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan dhacdadii lagu dilay Afarta ruux,taasi oo ka dhacday deegaanka Dhiin-waris oo ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

xog-ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.