Home Wararka Gudaha Xildhibaanada K/galbeed ee ku jira baarlamaanka Somaliya oo wada olole ka dhan...

Xildhibaanada K/galbeed ee ku jira baarlamaanka Somaliya oo wada olole ka dhan ah xukuumadda

153
0

Arbaco 3-da August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaqdhaaqyo hoose oo ay wadaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku matelada Maamulka K/galbeed Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay ka soo horjeedan qaabka wasiirada waa weyn loo maray magacaabistooda, waxayna wadaan sida la sheegay olole lagu diidayo asixinta xukuumadda cusub.

Xidhibaanada oo qaarkood baraha bulshada qoraal ku soo qoray ayaa sheegay inay diidan yihiin qaabka loo qeybiyey xubnaha wasiirada, xildhibaan Maxamed Aadan Maxamed oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka ka soo galay Koonfur galbeed ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu baalmaray hab qeybsiga beelaha, wuxuuna si cad u sheegay inuu madaxweynaha reerkiisa siiyey xubnihii ugu muhiimsanaa.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Cali Xasan ayaa hal ku dhigii madaxweynaha ee ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah sheegay inuu isku badelay “Soomaali dhexdeeda dirirsan, dunidana la dirirsan”, xildibaanada laga soo doortay Koonfur galbeed ayaa Muqdisho ka wado dhaqdhaqaaq xoogan, waxaana sidoo kale jiro xildhibaano maamul goboledyada kale ka soo jeedo oo diidan qaabka wax loo qeybsaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamse ayaa dhankooda olole xoogan ka wado gudaha xildhibaanada si loo ansixiyo xildhibaanada, waxaana la filayaa in todobaadka soo socdo la hor geeyo baarlamaanka, golaha wasiirada ayaa waxaa sidoo kale ku jira wasiiro badan oo aan aheyn xildhibaano, taasi oo ka dhigan in shaqo culus ay u taallo Xasan Sheekh iyo Xamse inay xukuumadda marsiiyaan golaha shacabka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.