Home Wararka Gudaha Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil ka dhacay Magaalda Burco 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil ka dhacay Magaalda Burco 

123
0

Arbaco 27-da July 2022, (Burco-xog-ogaal) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ee degaannada Somaliland ayaa sheegaya in tooreey ama Mindi lagu dilay mid kamid ah Dhalinyarada Magaalada kadib markii ay is khilaafeen Wiil kale, wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdisamad Axmed Maxamed Cajab ayaa u geeriooday minddi uu galiyey wiil kale oo uu gacan ka hadal dhex maray, xili ay ku sugnaayeen Dooxada ama goob biyo fariisin ah oo kutaalla Magaalada Burco.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgal ay sameeyeen saacado kadib waxaa suurto gashay inay gacanta ku dhigaan Wiilkii Dhalinyarada ahaa ee Wiilka kale tooreyda ku dilay, waalidiinta Cabdisamad Axmed Maxamed Cajab ayaa ka dalbaday Xukuumadda Somaliland in ay u cadaalad helaan dilka Wiilkooda, isla markaana baaritaan dhab ah lagu sameeyo sida uu u dhacay dilka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.