Home Wararka Gudaha Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare geystay ka dhacay...

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare geystay ka dhacay degmada Buuloburde

149
0

Sabti 23-da July 2022, (Buuloburde-xog-ogaal) wararka la helaayo magaalda Buuloburde ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas uu saaka ka dhacay Qarax Miino barta Koontoroolka Cigaal ee dhanka Koonfureed ee degmada Buulo-burde gobolka Hiiraan, qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu Aasay ayaa lala beegsaday farriin u aheyd ciidamo ka mid ah kuwa dowladda.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa kudhintay laba Ruux halka hal qof uu ku dhaawacmay, ciidanka booliska ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka qaadeen dadka dhaawacmay oo ku sugnaa halka uu qaraxo ka dhacay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.