Home Wararka Gudaha War cusub oo ka soo kordhay qarixii qabsaday kolonyada guddoomiye Cali Jayte

War cusub oo ka soo kordhay qarixii qabsaday kolonyada guddoomiye Cali Jayte

157
0

Isniin 27-da June 2022,(B/weyne-Xog-ogaal) Maamulka gobolka Hiiraan ayaa war ka soo saaray qarax shalay inta u dhaxeysa Beladweyne iyo Matabaan lagula eegtay kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolkaas, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca labo kale, maamulka gobolka Hiiraan waxa uu caafimaad taam ah uga baryayaa wariyeyaasha kala ah Khaalid Cismaan Muxumed (Ilkacase) iyo C/kariin Shabeloow iyo Cabdi Gureey oo ka mid ah howlwadeenada madaxtooyada Hirshabelle sidoo kalane wax uu Alle SWT uga baryayaa in naxariistiisa Jano siiyo C/raxman Caddow oo ka mid ahaa dhalinyarada haldoorka ah ee magaalada Beladweyne kaas oo ku geeriyooday qaraxaas miino oo Al-shabaab kula beegsadeen inta u dhaxeyso Beladweyne iyo Matabaan.

Maamulka gobolka Hiiraan wuxuu si buuxdo gargaar ugu fidinayaa dadka ku waxyeeloobay qaraxaas miino waxaa ka go’an maamulka gobalka hiiraan in la soo afjaro cadawga al-shabaab ee dhibaatada joogtada ah ku hayo dadka iyo deegaanka waxaana si xowli ah ku socdo howlagalka ka dhanka ah qawaariijta Al-shabaab iyadoo u Hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo saraakisha ciidamada qalabka sida.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.