Khamiis 12-ka May 2022, (Hargeisa-xog-ogaal) Magaalada Hargeysa ee degaannada Somaaliland waxaa maanta soo gaaray Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Maraykanka, kuwaas oo ka yimid waddanka Jabuuti, wafdigaan oo diyaarad Millateri ay keentay Garoonka diyaaraha Cigaal ee magaalada hargeysa ayaa Wararka qaar ee la helayo ay sheegayaan in uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada Maraykanka ee saldhiggoodu yahay Jabbuuti ayna qeyb ka yihiin Diblomaasiyiin Maraykan ah.
Saacadaha soo socda ayaa Wafdiga ka socda Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka waxaa ala filayaa inay la kulmaan Mas’uuliyiinta Sare ee Somaliland, iyaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.
Sidoo kale Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wafdiga ay booqan doonaan Dekadda magaalada Berbera oo ay gacanta ku heeyso Shirkadda DP World ee aga leeyahay dalka imaaraadka, sidoo kale uu kuyaallo saldhigga Ciidanka Imaaraadka.
Booqashadaan ay Maanta ku yimaadeen Magaalada Hargeysa Wafdiga ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa ka dambeeysay kadib markii dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqasho ku tegay Mareykanka, isaga oo wada-hadallo la yeeshay Madax ka tirsan dowladda Mareykanka.