Jimce 18-da November 2022,(Dh/mareeb-Xog-ogaal) Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe) ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wafdi ka socday Africom, kuwaas oo shalay gaaray halkaas, wasiirka ayaa wafdiga gaaray Dhuusamareeb la yeeshay kulan, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin in ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-shabaab iyo howlgalada ka socda dalka.
Wasiir Gaboobe ayaa Africom uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan la dagaalka Al-Shabaab iyo sida ay xilli kasta ugu heellanyihiin in ay bulshada Soomaaliyeed ku garab siiyaan in ay iska dulqaadaan, taliska ciidamada Mareykanka Africom ayaa waxay Soomaaliya ka caawiyaan la dagaalanka Al-shabaab, iyaga oo mararka qaar duqeymo u geysta fariisimaha Al-shabaab.