Home Wararka Gudaha Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

130
0

Talaado 9-ka August 2022, (Galkacyo-xog-ogaal) Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Xuseen shire Bukhaari ayaa Magaalada Gaalkacyo ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR ayna hoggaaminaysay Madaxa Cusub( HEAD SUB OFFICE) MONIOUE RUDACOGORA Laguna sagootinayay Madaxii hore Maxamed Shekinweri. guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari oo ay wehliyaan Agaasimayaasha Maamulka Gobolka mudug ayaa kulanka la qaatay wafdigaan ka socday Hay’adda UNHCR.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta maamulka Gobolka mudug iyo Madaxa Cusub ee taageeridda Bulshada tabaalaysan ee Gobolka Mudug kuwaas oo saameyn ku yeelatay Abaarta Dalka ka jirta, guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa kaga mahad celiyay Madaxa Cusub ( HEAD SUB OFFICE) MONIOUE RUDACOGORA iyo dhamaan shaqaalaha UNHCR isagoona kula dardaarmay inay Maamulka Gobolka mudug ka garab siiyaan Gurmadka loo sameynayo Dadka abaartu ku saamaysay ee Gobolka Mudug.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.