Home Wararka Gudaha Wafdi ka socda Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo u ambabaxay degmada Baraawe

Wafdi ka socda Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo u ambabaxay degmada Baraawe

37
0

(Baraawe-xog-ogaal) Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Maxamed Ibraahim Barre ayaa saakay safar shaqo ku aaday magaalada Baraawe ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 3 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka BFS ee ka dhici doonta
Magaalada Baraawe.

Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in Guddigu uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee golaha shacabka BFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here