Home Wararka Gudaha Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galaya Magaalada Roma

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galaya Magaalada Roma

112
0

Talaado 3-da May 2022, (Roma-xog-ogaal) Siihayaha xilka Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Cabdiraxmaan Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Rome Caasimadda dalka Taliyaaniga, siihayaha Xilka Agaasimaha Guud iyo Wafdigiisa inta ay joogaan dalka Taliyaaniga waxay ka qeybgali doonaan shirka Arrimaha Diinta, Nabadda, Badqabka Iyo Amnul fikriga oo ay isugu imaan doonaan Khubaro Ku xeeldheer gorfeynta nabad dhiska, Fikradaha xagjirnimada rabshadaha wata.

Shirka waxaa lagu casuumay matalayaal ka socda dowladaha Islaamka, iyadoo lagu soo bandhigi doona muhiimada Wadahadalka Nabadda iyo dabargoynta Fikradaha Xagjirnimada rabshadaha wata, siihayaha xilka Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Cabdiraxmaan Xuseen ayaa nta uu joogo Magaalada Roma waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirka looga hadlayo arrimaha ku saabsan Fikradaha xagjirnimada rabshadaha wata.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.