Home Wararka Gudaha Waan waan laga dhexwaday maamulka Galmudug & ururka Ahlu Sunna oo fashil...

Waan waan laga dhexwaday maamulka Galmudug & ururka Ahlu Sunna oo fashil ku soo…

115
0

Dh/mareeb-Xog-ogaal) Wararka ka imaanaya gobolka gal gaduud ayaa sheegaya in fashil uu ku soo dhamaaday waan waan laga waday deegaanka Bohol ee gobolkaasi, halkaasi  oo xarun u ah ciidamadii iyo Madaxdii Ahlu Sunna ee dhawaan magaalada Guriceel dagaalka kula galay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, ilo wareed la helay ayaa sheegaya in ay soo xirantay rajadii lagu doonayey in wada hadal looga dhex abuuro Madaxda Galmudug iyo hogaanka Ahlu Sunna ee ku sugan deegaanka bohol, waxaana halkaas iskaga soo baxay saraakiil uu hoggaaminayey Jeneral Labo afle.

Sida warku sheegayo ku dhawaad labo todobaad ayaa deegaanka Bohol waxaa ku sugnaa taliyaha guutada 6aad ee qeybta 60aad General Aadan Abshir Nuurre (Labo afle) oo Muqdisho uga tagay sidii uu xal ugu heli lahaa xiisada udhexeysa Galmudug iyo Ahlusuna, kadib waanwaan iyo wada hadal uu la sameeyay labada dhinac waxaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday dedaalkii lagu raadinayay xalka waxaa sidoo kale isaga ku wehlinayey waan waantaasi mas’uuliyiin kale oo qeyb ka ahaa wafdigii isbuuc kahor tagay bohol.

Taliyaha ciidamada Ahlu sunna ee ku sugan deeg-aanka bohol ayaa sheegay inaysan galeynin wadahadal aan aheyn kii ay guriceel uga soo baxeen,wuxuuna sheegay in cidna aysan wee-rar ku aheyn ciddii soo weerartana ay iska difaaci doonaan,isaga oo xusay in maamulka Galmudug  uu kaleedxay wadadii  iyo qaabkii loo dhisay uuna ma jarahabaabay, warar aan la xaqiijin  ayaa sheegaya in Ahlu Suna ay shuruudo adag ka keentay wada hadal ay la galaan maamulka Galmudug iyaga oo dalbaday xilal kala duwan iyo qodobo kale

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.