Axad 2-da October 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmaha soo socda la filayaa inuu magacaabo shaqsiga noqonayo taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo uu Jimcihii ka geeriyooday Jeneraal Farxaan Qaroole, sida macluumaadka la helayo ay tilmaamayaan, xilkan waxaa loo wadaa sarkaal haatan ku magacaaban taliyaha Nabad Sugida Galmudug, kaasoo qabashada xilkan darteed shalay loo keenay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Macalin Mahdi ayaa ah sarkaal dhalinyara ah oo firfircoon, aadna u yaqaana dhagarta iyo xeeladaha dagaal ay adeegsadaan kooxda Shabaab, isagoo dhawaan dhaawac uu ka soo gaaray sagaal Shabaab lagula galay deegaanka Cada-kibir ee duleedka magaalada Cadaado.
Waxa uu Macalin Mahdi qeyb ka ahaa shalay boqolaal qof oo ka qeyb gashay aaskii Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Jeneraal Farxaan Qaroole oo ku geeriyooday Miino dhulka la galiyay oo uu ku istaagay, xili howlgal uu u joogay deegaanka Basra ee kala qeybiya labada Shabeelle.