Home Wararka Dibadda Ukraine oo ciidamadeeda kala baxeysa howlgallada nabad ilaalinta QM

Ukraine oo ciidamadeeda kala baxeysa howlgallada nabad ilaalinta QM

30
0

Khamiis 10-ka Maarso, (Mogadishu-xog-ogaal) Dowladda Ukraine ayaa dib u soo ceshan doonta ciidamadeeda iyo agabka militari oo ay ku jiraan diyaaradaha helikobterrada, kuwaas oo ka qayb qaadanaya hawlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Afrika iyo Yurub, si ay u xoojiyaan difaaca gudaha ee ka dhanka ah duulaanka Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay dalka Ukrain ku dhawaad laba toddobaad kahor, iyagoo, duqeymo iyo go’doomin kuwada magaalooyinkeeda, waxaana ay ku qasbeen in inka badan 2 milyan oo qof oo u badan haween iyo caruur ay ka baxaan dalkaas.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Talaadadii saxiixay wareegto dib loogu yeerayo dhammaan ciidamada nabad ilaalinta, si ay gacan uga geystaan dagaalka ka socda gudaha dalkeeda.

Ukraine ayaa waxay ku biirisay ilaa 300 oo askari, saraakiil booliis iyo shaqaale lix hawlgal oo Qaramada Midoobay ah, tiradaas oo aan wax badan ka bedeli doonin hawlgallada nabad ilaalinta ee caalamka.

Howlgalka ugu weyn ee ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada Ukriane ayaa ah kan ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ee loo yaqaan MONUSCO, kaas oo ay ku leeyihiin unug ka kooban 250 oo ciidamada cirka iyo siddeed diyaaradood, sida uu sheegay afhayeenka MONUSCO.

Ciidamada Ukraine waxay sidoo qeyb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta ee UN-ka ee jooga Mali, South Sudan, Sudan, Qubrus iyo Kosovo, sida lagu xusay bogga Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here