Home Wararka Gudaha UK oo shaacisay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee...

UK oo shaacisay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

112
0

UK ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay kor u kaca xiisadda siyaasadeed ee hadda ka jirta Soomaaliya, waxayna  sheegtay khilaafka Farmaajo iyo Rooble inuu halis ku yahay inuu wiiqo kalsoonida hoggaamintooda.

Dowladda UK, waxay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ugu baaqday in ay ka fogaadaan ficillada sii fogeyn kara xiisadaha siyaasadeed, oo ay ku jiraan warqadaha iskasoo horjeeda ee kasoo baxaya xafiisyadooda.

“Waxaan ku boorineynaa in dhammaan daneeyeyaasha ay ilaaliyaan nabadda si looga fogaado wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa muhiim ah in laamaha amniga ee Soomaaliya ay diiradda saaraan ka hortagga halista guud ee Al Shabaab, oo u taagan inay ka faa’iideystaan qalalaasaha siyaasadeed ee socda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay UK.

UK waxay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya markale ugu baaqday in mudnaanta lasiiyo doorashooyinka, sida lagu heshiiyay 27-kii May. Waxayna ka digtay guul -darrada joogtada ah ee ku yimaada doorashooyinka in ay sii xumayn karaan caqabadaha bani’aadamnimo ee daran ee dalku wajahayo.

“Xaaladda siyaasadeed ee sii xumaanaysa oo horseedaysa dib u dhacyo doorasho oo hor leh ayaa saamayn weyn ku yeelan doonta dhaxalka madaxda Soomaaliya,” ayay sii raacisay UK.

UK ayaa kamid ah dalalka taageerada ufidiya Soomaaliya, waxayna safka hore kaga jirtaa dalalka dadaalka ugu jira qorshaha dayn cafinta Soomaaliya.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.