Home Wararka Gudaha Uhuru Kenyatta ka hadlay go’aankii maxkamadda sare ee Kenya ka qaadatay dacwaddii...

Uhuru Kenyatta ka hadlay go’aankii maxkamadda sare ee Kenya ka qaadatay dacwaddii doorashada iyo xildhibaan Yuusuf Xasan oo sheegay in madaxweynaha cusub laga rabo

111
0

Talaado 6-da September 2022, (Nairobi-Xog-ogaal) Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ka go’an tahay in si habsami leh ay u dhacdo xilwareejinta awoodda madaxweynaha, kadib khudbad la soo duubay oo uu u jeediyay shacabka Kenya, isaga oo ugu baaqay in go’aankii maxkamadda la xushmeeyo, Kenyatta wuu ka fogaaday in uu in magaca madaxweynaha la doortay William Ruto uu ku xuso khudbadiisa, balse waxa uu sheegay in uu wanaag u rajaynayo ‘dhammaan kuwii guulaystay.’

“Xilka madaxweynaha marki la ii dhaariyay, waxaan ballan ku qaaday in aan ilaaliyo sharciga iyo go’aannada kasoo baxa garsoorka wax kasta oo khuseeya dowladnimadeenna” ayuu yiri Kenyatta, Kenyatta ayaa si weyn u taageeray musharraxa laga adkaaday ee Raila Odinga, maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa shalay oo Isniin ah ku taageertay doorashadii 9-kii Agoosto ee lagu doortay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, kadib go’aan loo dhan yahay, sida ay sheegtay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Kenya, Martha Koome, taasoo meesha ka saartay codsi uu u gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Dhinaca kale xildhibaan Yusuf Xasan oo ka hadlay go’aanka Maxkamadda Sare isaga oo kamid ah xisbiga Raila Odinga ayaa sheegay inuu u hogaasamayo go,aanka maxkamadda sare ee Kenya balse madaxweynaha Cusub ee Kenya William Ruto inuu isku keeno dadka Kenya ee sida weyn ugu kala qeybsamay doorashada, xildhibaan Yusuf Xasan waxaa uu sheegay in madaxweynaha cusub ee  Kenya William Ruto iyo hogaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga uu mid helay 7 milyan iyo wax yar midka kalena uu helay 7 milyan oo wax yar dhiman sidaa owgeed madaxweynaha looga baahan yahay inuu mideeyo shacabka Kenya ee doorashada ku kala qeybsamay.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.