Home Wararka Gudaha Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay Ciidamo ka qeyb qaata howlgalka ATMIS

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay Ciidamo ka qeyb qaata howlgalka ATMIS

146
0

Isniin 21-da Maarso, (Mogadishu-xog-ogaal) Dowladda Uganka oo kamid ah dalalka ay Soomaaliya kajoogaan Ciidamada ku howlgalka Magaca AMISOM ayaa waxaa ay Soomaaliya u soo dirtay Ciidamo horleh, kuwaas oo ka qeyb qaadabaya howlgalka ATMIS.

Munaasabad lagu soo sagootinayay Ciidamadaas oo ka dhacday dalka Uganda ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) Gen. Wilson Mbasu Mbadi ,wuxuuna Ciidamada kula dardaarmay inay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan kana hortagaan weerarada Al-Shabaab.

Markaad aadeysaan Soomaaliya, iska hubiya inaad soo laabataan idinkoo bad qaba. Al-Shabaab waxay idinku tahay halis weyn. Waa inaad aad uga taxadirtaan inay helaan xoriyad ay ku geystaan ​​falal argagixiso. “ayuu yiri Gen. Mbadi.

Ciidamada Cusub oo dowladda Uganda usoo dirtay Soomaaliya ayaa doorweyn ku yeelan doona howlgalka ATMIS, si loo wajaho dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab.

Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ugu yaraan 6,000 askari, waxaana keenitaanka Ciidamadaan cusub ay kusoo beegmeysaa iyadoo 10 maalmood ka dib magaca AMISOM loo beddelayo ATMIS oo ku beegan 31-ka March 2022.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.