Home Wararka Gudaha Tiro hoobiyeyaal lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo  wadooyinkeeda...

Tiro hoobiyeyaal lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo  wadooyinkeeda oo xiran

95
0

Arbaco 1-da February 2023, (Muqdisho-xog-ogaal) waxaa ka dhacay degmooyinka magaalada Muqdisho  tiro hoobiyeyaal oo la tilmaamay iney ku dhaceen xaafadaha ku dhow  agagaarga Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, hoobiyeyaashaan  oo  gaaraya ilaa 5 ayaa laba ka mid ah la xaqiijiyay iney ku kala dhaceen guri shacab ah oo ku yaala Isgoyska Bakaaraha iyo goob Maqaayad ah oo ku taala Isgoyska Taljiinka,  waxa ayna geysteen qasaaro isku jira  dhimasho iyo dhaawacba  hase ahatee ma cadda ilaa hada tirada saxda ah ee dhaawaca iyo dhimashada.

Hoobiyeyaashaan lagu garaacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa imaanaya, iyadoo saakay waddooyinka Muqdisho loo xiray shir ay ku yeelanayaan gudaha magaalada Muqdisho Madaxda dalalka la isku yiraahdo safka hore ee Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.