Home Wararka Gudaha Taliyeyaasha ciidamadda AMISOM & xubno ka tirsan beesha caalamka oo kulan degdeg...

Taliyeyaasha ciidamadda AMISOM & xubno ka tirsan beesha caalamka oo kulan degdeg ah ka yeeshay arrin halis ku ah Dowladda Soomaaliya

207
0

(Muqdisho-Xog-ogaal) Wararka naga soo gaaraya xarunta Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ayna degan yihiin sidoo kale safaarado badan oo dalka ka howlgala ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi kulan degdeg ah ku yeesheen  taliyeyaasha ciidanka AMISOM iyo xubno ka socda beesha caalamka, kulankaassi oo la sheegay in inta badan taliyeyaasha ciidanka AMISOM ay ka qeybgaleen ayaa waxaa looga hadlay  ka soo bixitaanka ciidanka dowladda ee degmooyin ka mid ah  gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose, halkaasi oo ay hadda ku hareen ciidamada ka tirsan oo kaliya iyo sameynta ay ku yeelan karto ciidamada AMISOM.

Sida warku sheegayo labo arrimood ayaa saraakiisha AMISOM ku qasbay inay kulan degdeg ah isugu yimaadaan, kuwaas oo kala ah, iyada oo goobihii ay wada joogeen ciidamaada dowladda iyo Kuwa AMISOM ay ka soo baxeen ciidamada dowladda taas oo khatarteeda leh ayna dhici karto in xaaladdo dagaal oo adagi soo wajahaan ciidamadooda ku sugan goobaha ciidamada dowladdu ka soo baxaeen iyo iyadoo dhul ay horey ugala wareegeen Al-shabaab ay dib u qabsanayaan taa oo uu ku baxay naf iyo maal.

Si rasmi ah looma oga ilaa iyo hadda waxaa ka soo baxay kulankaasi degdega ah ee ay yeesheen taliyaasha ciidamadda AMISOM iyo xubnihii ka socday beesha caalamka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here