Home Wararka Gudaha Taliye Odawaa oo ka warbixiyay howlgal ay Ciidanka DANAB ka fuliyeen...

Taliye Odawaa oo ka warbixiyay howlgal ay Ciidanka DANAB ka fuliyeen Degaanka

14
0

Khamiis 15-ka September 2022, (Buq Aqable-xog-ogaal) Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB  ayaa xalay degaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas, taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 18 Xubnood oo ku sugnaa saldhigga ay beegsadeen ciidanka DANAB.

Sidoo kale taliyaha wuxuu sheegay in howlgalka lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo  Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buq Aqable oo qiyaastii 90 KM Koofur uga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, degaankaan ayaa Al-Shabaab u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ka geysan jireen degaannada Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here