Home Wararka Gudaha Taliyaha ciidanka booliska oo tababar u soo xiray ciidamo cusub

Taliyaha ciidanka booliska oo tababar u soo xiray ciidamo cusub

145
0

Arbaco 11-da May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta halkaas tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, Cciidanka tababarka loo xiray ayaa noqonaya dufcaddii 16-aad oo tababar heerkeedu sarreeyo ku qaadata dalkaas.

Taliyaha oo khudbad u jeediyey dufcaddan cusub ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay gudashada wajibka qaran ee loo tababaray, waxa tababarka dufcaddani qayb ka yahay, dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u hantaan sugidda amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

 

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.