Home Wararka Gudaha Taliyaha Booliiska Puntland oo shir la yeeshay Saraakiisha ilaalada Wadooyinka

Taliyaha Booliiska Puntland oo shir la yeeshay Saraakiisha ilaalada Wadooyinka

147
0

Khamiis 7-da July 2022, (Garoowe-xog-ogaal) Taliyaha ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa shir laqaatay hogaanka iyo Taliyaasha ciidanka ilaalada Wadooyinka gobolada Puntland, kulanka waxaa ka qayb galay Hogaanka ciidanka ilaalada wadooyinka DPL G/sare Cabdi fataax Siciid Saleebaan,Afhayeenka Booliska Puntland G/sare Xassan Cabdullahi Maxamed,Taliyaasha ciidanka Taraafikada Gobolada Puntland iyo madaxda Shirkadda Puntlanl raod sefty com.

Taliyaha Ciidanka booliska Dowladda Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa warbixin guud ka dhagaystay taliyaasha taas oo ku aadan xaalada nabadgalyada wadooyinka Puntland iyo shilalkii dhacay lixdii bilood ee la soo dhaafay, sareeye guuto Maxamed Cali Xaashi Taliyaha ciidanka booliska DPL ayaa hogaanka iyo taliyaasha ciidanka taraafikada uga mahad celiyay dowrka hormarineed ee ay ka qaateen ilaalinta nabadgalyada wadooyinka,wuxuu Taliyuhu bogaadiyay sida Ciidanka ilaalada wadooyinka ay har iyo habeenba ugu heelan yihiin qabashada shaqooyinka ilaalada wadooyinka, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.