(Muqdisho-Xog-ogaal) Kulan balaaran oo ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho taliyeyaasha booliska gobolka Banaadir oo uu shir guddoominaayay Taliyaha booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa looga hadlay wax ka qabashada falalka burcadnimada iyo anshax xumada ay sameynayaan dhalinyarada isticmaasha aalada Tiktok, taliye Cabdi Xasan Xijaar oo kulanka markuu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankooda uu ahaa mid ay diirada ku saarayeen sidii wax looga qaban lahaa buracada dhac ka geysata Muqdisho iyo anshax xumida dadka isricmaala baraha Bulshada gaar ahaan barta Tiktok.
‘Taliyeyaasha Booliiska gobolka Banaadir waxaan faray ka hortaga iyo wax ka qabashada tuugada dhaca ka geysata gudaha caasimada oo soo kordheysa sadaxdii bilood ee lasoo dhaafay iyo waliba dhaqan xumada ay sameynayaan dadka isticmaala baraha bulshada ee Tiktok in wax laga qabto waxii diinta islaamka ka baxsan qofkii sameynaya oo la arko” ayuu yiri Taliye Xijaar.
Kulankan uu shalay isugu yeeray taliyaha Booliiska Soomaaliya taliyeyaasha Booliiska gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ay ka cabanayeen dhac loo geeysanayay iyo waliba dhaqan xumada ay sameynayaan dadka isticmaala barta Tiktok oo sii kordheysa marba marka ka dambeysa.