(Muqdisho-Xog-ogaal) Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa la kulmay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Q/Midoobay u fadhiya Somal-iya James Swan, waxayna kawada ha-dleen sidii loo dardar gelin lahaa qorshaha kala guurka qaran iyo sidii ciidanka xoogga dalka ay ula wareegi lahaay-een amniga guud ee dalka, waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in lasii kordhiyo dib u habeynta ciida-mada iyo sare u qaadidda howlgallada AMISOM.
Ugu dambeyntiina wuxuu wasiirka u caddeeyey ergayga Qaramada Midoobay inay ka go’an tahay dowladda federaalka in aan ciidanka Xoogga la siyaasadeyn, kuna ekaadaan waajib-aadkooda qaran, wasiirka ayaa uga mahadceliyey ergayga gaarka taageerada ay la garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay u hanan laheyd amniga dalka.