Isniin 15-ka August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka Xuseen Ibraahim Dhaaha, kulanka labada mudane oo ka dhacay xarunta Ururka (OIC) ee ku taalla magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudiga, ayuu ergaygu uga warbixiyey Xoghayaha Guud inta uu la egyahay xaddiga abaaraha ba’an ee ka jira xilligaan Soomaaliya, isagoo la wadaagay sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha.
Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd aas-aasayaashii (OIC) oo hadda ka kooban 57 Dowladood, waxa ay had iyo jeer maqaam sare ku lahayd ajandayaasha Ururka, kaasoo qudhiisu si firfircoon uga qayb qaaday teegeerada iyo dadaallada muddada socda ee lagu baadi goobayo in mar kale Soomaaliya ku gaarto nabad iyo xasillooni, si buuxdana ugu istaagto cagaheeda.