Home Wararka Gudaha Soomaaliya oo ku guuleysatay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika

Soomaaliya oo ku guuleysatay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika

158
0

Sabti 15-da October 2022, (Adis-Ababa-xog-ogaal) Soomaaliya ayaa ku guuleysatay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika kadib markii ay 3-1 kaga adkaatay South Sudan ciyaar ka dhacdey magaalada Addis Ababa, raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay gaareen Kooxda Xulka Qaranka ee Da’yarta ka yar 17 sano.

Kooxda oo cayaarta final-kaga adkaatay South Sudan 3 — 1, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse uu sheegay inay umadda Soomaaliyeed u soo hooyeen guul, sharaf iyo magac, mudane Xamse oo habeen hore kulan dhiirigelin iyo dardaaran ah la yeeshay kooxda iyo macallinkooda, ayaa sheegay inay ka soo dhalaaleen doorkooda — shacabka Soomaaliyeed iyo Xukuumadoodana ay si heer sare ah u soo dhaweyn doonaan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.