Home Wararka Gudaha Soomaaliya oo dacwad ka gudbisay wargeys qoray in ciidamada Soomaaliya ee ku...

Soomaaliya oo dacwad ka gudbisay wargeys qoray in ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Eritrea ay xasuuq ka geysteen gobolka Tigrey

184
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dacwad u diray wargayska caanka ah ee (The Globe and Mail), kaas 20-kii bishii la soo dhaafay lagu daabacay warbixin ku saabsanayd in ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea ay qayb ka ahaayeen dagaalkii Gobolka Tigray ee Dalka Itoobiya, isla markaana ay xasuuq ba’an ka gaysteen gobolkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tillaabo sharci ah ka qaadi doonto Wargayska the Globe and Mail, haddii aanu soo bandhigin xaqiiqda dhabta ah ee ay ku sulaysan tahay warbixinta ay dowladdu ku tilmaamtay in ay tahay been abuur.

“Warbixintiinnu waa mid si cad loogaga been abuurtay ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo aan marna farogelin arrimo dalal kale. Ciiddankeenna geesiyaasha ah oo u taagan difaaca dalka iyo dadkayaga, marna ma aha kuwo ku xad gudba xuquuqda aadanaha, sida aad warbixintiinna been abuurka ah ku sheegteen,”ayaa lagu yiri dacwadda xafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso qoraalka xafiiska warfaafinta.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.