Home Wararka Gudaha Soomaaliya iyo Qatar oo Heshiis kala saxiixday

Soomaaliya iyo Qatar oo Heshiis kala saxiixday

71
0

Isniin 26-ka February 2024, (Mogadishu-xog-ogaal) Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya , Xasan Macallim Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa iyo Wasiirka Cadaaladda dalka Qatar, mudane Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga,heshiiskan Is-afgaradka ah wuxuu ka turjumayaa danaha labada dal ee isweydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Sidoo kale, waxay labada dowladood iska kaashanayaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka ee labada dawladood, barnaamijyada tababarrada sharci iyo garsoor, kor-u-qaadidda xirfadda & aqoonta sharciyaqaannada, qareennada iyo nootaayooyinka, munaasabadda saxiixa is-afgaradka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee Qatar ayey labada Wasiir kulan gaar ah oo ay ku qaateen uga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga Cadaaladda ee labada dal,dhameystirka dastuurka Soomaaliya ,dhismaha cadaaladda dalka iyo in labada wasaaradood iska kaashadaan khibrad wadaagga iyo dhanka sharciga.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.