Home Wararka Gudaha Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ku heshiiyay in la beddelo howgalka AMISOM

Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ku heshiiyay in la beddelo howgalka AMISOM

223
0

(Mogadidhu-xog-ogaal) Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa la sheegay in ay isla garteen qaabka uu noqonayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ku dhowaad saddexda sano ee soo socota.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa. Sida ku cad dukumentiyada la faafinayay, howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa ka gudbi doonaa AMISOM, wuxuuna u gudbi doonaa Howlgalka Ku meel gaarka ah ee AU ee Soomaaliya.

“AU iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guul ah u soo gabagabeeyey wadatashiyo socday muddo toddobaad ah oo ku saabsan qaab-dhismeedka howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Calanka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay guddiga amniga midowga Afrika.

Guddiga farsamada ee Soomaaliya u qaabilsan wada xaajoodka, hannaanka kala guurka ee amniga qaranka, ayaa ku dhawaaqay heshiiska qorshaha amniga qaranka kulan ay la yeesheen xubnaha golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika.

Kulankan waxaa shir guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Siciid Samatar.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.