Home Wararka Gudaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo codeeyay qaraar lagu cambaareynayo Ruushka

Soomaaliya iyo Jabuuti oo codeeyay qaraar lagu cambaareynayo Ruushka

305
0
3, Maaarso, (Mogadishu-xog-ogaal) Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka mid noqday 141-ka wadan oo caalamka katirsan, kuwaas oo u codeeyay qaraar lagu cambaareynayo duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine.
Codeynta ayaa dhacday xilli uu socday kalfadhi gaar ah oo ay yeesheen golaha guud ee QM.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in si degdeg ah dhammaan ciidamada Ruushka looga saaro dhulka Ukraine.
Afar waddan ayaa Ruushka ku biiray codeynta ka dhanka ah qaraarka, waxayna kala yihiin – Belarus, North Korea, Eritrea iyo Syria, halka 35 waddan oo kalena ay ka aamuseen  cambaaraynta qaraarka.
Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil oo ah labada saaxiib ee Mareykanka oo horey loogu dhaliilay inay diideen inay ka hadlaan duulaanka Ruushka, ayaa sidoo kale doortay inay u codeeyaan qaraarka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.