Home Wararka Gudaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Arrimaha duulimaadyada

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Arrimaha duulimaadyada

94
0

Talaado 8-da Maarso, (Mogadishu-xog-ogaal) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md Duran Axmed Faraax ayaa maanta la kulmay Danjiraha Dawladda Itoobiya ee Soomaaliya Danjire Cabdifataax Cabdullaahi Xasan, kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Gacal Gaabow, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah Axmed Macalin waxanaa kulanka looga hadlay iskaashiga Duulimaadyada iyo horumarinta Gaadiidka Cirka ee dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa intuu socday lagu gorfeeyay in muhiimad wayn ay labada dal u leedahay in la horumariyo duulimaadyada iyo Hay’adaha ka shaqeeya, wasiir Duraan Faarax ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad wayn u leeyahay iskaashiga labada dal, waxaana uu sheegay in mar walba ay dadaal ugu jiraan xoojinta shaqooyinka ay shacabka Soomaaliyeed u hayso Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.