Home Wararka Gudaha Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

149
0

Sabti 8-da October 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Finland, Mudane Matti Vanhanen.

“Maanta waxaan khadka taleefoonka kuwada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxaana kawada hadalnay xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda, sidoo kale waxaan isla soo qaadnay xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha”

Guddoomiye Sheekh Aadan oo la hadlay dhigiisa Finland ayaa sheegay in laga wada shaqeeyo xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Finland.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.