Home Wararka Gudaha Soomaali markale dil iyo dhaawac loogu geystay waddanka Koonfur Afrika

Soomaali markale dil iyo dhaawac loogu geystay waddanka Koonfur Afrika

37
0

Axad 5-ta November 2023, (Cape town-xog-ogaal) Waxaa maalmihii la soo dhaafay kordhay dhilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika, waxaana in ka yar 48 saacadood lagu dilay saddex muwaadin oo Soomaaliyeed,xilli dalkaas ay ku sugan yihiin wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa weeraray Dukaamo ay ku sugnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo kuyaalla Xaafada Tembalatu Ee Magalada George Ee Gobolka Western Cape, iyaga oo dhowr xabadood ku riday.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in Rasaasta ay Kooxaha burcadda ah rideen uu ku dhintay Muwaadin Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu sheegay Xuseen, kaas oo ku sugnaa dukaanka la weeraray, sidoo kale weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay muwaadin Soomaaliyeed oo kale iyo Nin u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo Shaqaalo ka ahaa Goobaha Ganacsiga, ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay Goobta uu weerarka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Guddoomiyaha jaaliyadda gobolka Waqooyi Galbeed ee dalka Koonfur Afrika Mustafa aeyaa ugu baaqay ganacsatada dukaamaha ku leh deeganada isku raranka ah iyo tulooyinka fog fog in ay ka feejignadaan dhagarta ay sameyaaan kooxaha burcada maadaama inta badan burcada  xiliyada habeenkii ah weeraraan dukaamada ay leeyihiin ganacsatada ajaanibta ah si ay u helaan qarashka ay ku baashaalaan xilliyada Ciida Chrismiska.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.