Home Wararka Gudaha Somaliland oo Ajaanib ka musaafurineysa deegaanadeeda

Somaliland oo Ajaanib ka musaafurineysa deegaanadeeda

331
0

Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay inay deegaanadeeda ka musaafurineyso tira dhaqaatiir Ajaanib ah oo ay sheegeen in si sharcidarro ah uga howlgalaan Soomaaliland,waxaana sidaasi sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Soomaaliland Dr Maxamed Cabdi (Xirgeeye) kaas oo xusay  in 130 Ajaanib ah oo ka howlgalla Goobaha Caafimaad ee sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa Xukuumadda aysan aheyn kuwo ruqsad ka heysta Somaliland.

Waxa uu sheegay in Mihnadlayaasha Caafimaadka ay qiimeyn ku sameeyeen dhaqaatiirtaas,isla markaana ay ogaadeen inaysan heysan 130 ka mid ah ruqsadii ay ku Shaqeysan lahaayeen,isla markaana la go’aamiyey in Somaliland laga saaro,wuxuuna intaasi ku sii daray inay dadkaasi qaarkiis wadatashi ka sameyndoonaan,isaga oo sheegay in aan marna la aqbali doonin in Shaqooyin ay qaban karaan Shacabka Somaliland inay jaanib qabtaan.

Geba-gabadii waxa uu sheegay in ay Magacaabeen Guddi ka socda Dhaqaatiirka ka howlgasha Somaliland,kuwaas oo baaritaan dhinaca xirfadooda ah ay ku sameyn doonaan Dhaqaatiirta Ajaanibta ah.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.