Home Wararka Dibadda Siyaasi ka tirsan xisbiga dowladda Kenya oo Soomaalida ka raaligeliyay arrin laga...

Siyaasi ka tirsan xisbiga dowladda Kenya oo Soomaalida ka raaligeliyay arrin laga carooday

181
0

Isniin 27-da June 2022, (Nairobi-Xog-ogaal) Murashaxa xilka Barsaabka Nairobi iyo duqa magaalada caasimadda ah ugu tartamaya xisbiga talada haya ee Jubilee, Polycarp Igathe Kamau, ayaa ku khasbanaaday in uu raalligelin ka bixiyo hadallo ka careysiiyey qayb ka mid ah shacabka daggan Nairobi, Igathe oo lagu eedeeyay in uu si gaar ah u bartilmaameedsaday bulsho cayiman, ayaa sheegay in hadalladiisa ay ka duwan yihiin sida loo fahmay ee ah in uu shakhsiyaad farta ku fiiqayey, siyaasigan oo sharaxayey waxa uu horay u yiri ayaa sheegay in uu ka hadlayay oo kaliya sida loogu kala horreeyo fursadaha shaqada, dhaqaalaha iyo faa’iidooyinka Nairobi.

Raaligelinka Polycarp Igathe Kamau ayaa daba socotay muuqaal si weyn u faafay oo laga duubay hadalo uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay, muuqaalkaas ayuu ku sheegay in Baarlamaan deegaanka ee Nairobi oo xubnihiisa “Ay u badan yihiin qowmiyadda Kikuyu ay gacanta ku hayaan saddex xildhibaan oo Soomaali ah, kuwaas oo dhammaan xubnaha kale ay la haystayaal u yihiin”, hase yeeshee ma uusan sheegin magacyada saddexda ruux ee Soomaalida ah ee uu tilmaamayay inay Aqalka Wakiillada ee Nairobi “maamulkiisa awood ku haystaan”.

“Xildhibaanada golaha wakiilada ee Nairobi waa 45 oo wada Kikuyu ah, waxaana idiin sheegi karaa in dhammaantood ay ku hoos jiraan maamulka saddex Soomaali ah, taasi waa xaqiiq jirta, qabsashadu waa mid dhab ah, xittaa shalay waxay samaynayeen waxbaayo sharci darro ah” ayuu yiri Igathe oo laga maqlayo muuqaalka, balse waxa uu hadda soo saaray bayaan uu raalligelin uga bixinayo erayadaas oo uu ku andacooday in si khaldan loo fahmay.

Hadalada horay uga soo yeeray siyaasigan ayaa si wayn uga careysiiyey Soomaalida Kenya, xildhibaanka Garissa, Aadan Ducaale ayaa ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka fal celiyay hadalka Igathe oo uu ku qeexay mid “hayb soocaya Soomaalida”.

“Qabyaaladda sida xishood la’aanta ah loo dhex dabaalanayo waa arrin nasiib darro ah. Waa wax aad looga naxo oo ka yimid qof sheeganaya in uu wax bartay,” ayuu yiri Xildhibaan Ducaale, Igathe oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu cad cad ee u hanqal taagaya hoggaanka Nairobi ayaa sheegay in haddii la doorto uu ka shaqeyn doono sidii ay dhammaan reer Nairobi u heli lahaayeen fursado ay u siman yihiin.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.