Home Wararka Gudaha Siyaasi C/Ramxaan Cabdi Shakuur oo la kulmay Feysal Cali Waraabe iyo Masuuliyiin...

Siyaasi C/Ramxaan Cabdi Shakuur oo la kulmay Feysal Cali Waraabe iyo Masuuliyiin kale oo Somaliland kasoo jeeda…

376
0

(Nariobi-Xog-ogaal) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa kulan la qaatay masuuliyiin katirsan maamulka Soomaaliland ee doonaya in Soomaaliya ineeda kale ka go’aan.

Kulanka ayaa ka dhacay Hotel kuyaala magaalada Nairobi, waxaana xubnaha Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir la kulmay kamid ah Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Feysal Cali Waraabe.

Sida aan wararka ku helnay kulanka oo u badnaa mid sheeko ah ayaa dhinacyada uga hadleen aragtida siyaasadeed ee xiligan ka taagan geeska Afrika iyo sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Maamulka Soomaaliland ayaa dadaal badan ugu jira sidii ay u noqon lahaayeen dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, waxaana aqoonsigeeda lagu xiray in Soomaaliya wadahadalo la gasho kana hesho ogolaansho.

Xog_ogaal Newspaper

Xafiska-Mugadishu

xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.