Home Wararka Gudaha Sirdoonka Kenya oo shegay inuu ka baxsaday Sarkaal Kenyan oo Al-Shabaab shaqo...

Sirdoonka Kenya oo shegay inuu ka baxsaday Sarkaal Kenyan oo Al-Shabaab shaqo u direen

334
0

Hay’adda Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegtay in dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay raadinayaan Mowliid Maxamed Bilaal oo u dhashay dalka Kenya kaas oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysay Al-Shabaab ee Kenya ka soo jeeda.

Ninkan ayey Sirdoonka Kenya sheegeen in uu ka baxsaday Al-Shabaab markii loo diray howlgal uu ka fulin lahaa Gobolka Soomaalida ee Kenya ay maamusho,sidoo kale Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in uu khilaaf soo kala dhexgalay Saraakiisha Kenyaanka ah ee ku jira Al-Shabaab iyo hoggaanka ugu sarreeya Al-shabaab sida ay yiraahdeen.

Waxa ay tusaale u soo qaateen Madaxii Al-Shabaab ee Kenya Axmed Iimaan Cali oo 22-kii March ku dhintay duqeyn ka dhacday Bu’aale.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Axmed uu isku dayay in uu ka baxsado Al-Shabaab kuna biiro Ururka Daacish, waxaa uu geeriyooday isaga oo ku jiray Guri ku yaalla Bu’aale halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayay sida ay sheegeen Sirdoonka Kenya.

Hay’addaha ammaanka ee Kenya ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation in Al-Shabaab ay hadda raadinayaan sarkaal sare oo ka soo jeeda dalka Kenya kaas oo noqonaya madaxa cusub ee Al-Shabaab u qaabilsanaanaya howlgallada Kenya.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegaya in Khilaafka u dhaxeeya labada dhinac uu ka dhashay markii hoggaamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab oo ay sheegeen in uu xanuunsanayo uu diiday in uu xilka isaga dego.

Ma jirto cid ka madaxbanaan sirdoonka kenya oo xaqiijin karta jiritaanka warkan iyo wararka kale ee la xiriira ee wargeysku xusay isaga oo soo xiganaya sirdoonka dalka kenya

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.