Home Wararka Gudaha Siciid Deni oo kala diray Golihii Degaanka Garowe, Soona magacaabay 4 Guddoomiye...

Siciid Deni oo kala diray Golihii Degaanka Garowe, Soona magacaabay 4 Guddoomiye degmo

72
0

Jimce 16-da September 2022, (Garowe-xog-ogaal) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto maanta 15-ka Sibteembar 2022, ku kala diray Golihii Deegaanka Degmada Garoowe ee caasimadda Puntland, madaxweynaha ayaa sidoo kale magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Degmooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Xubnaha uu magacaabay madaxweynaha Puntland ayaa kala ah:

  1. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Boosaaso si ku-meel gaar ah loogu magacaabay: Xasan Cabdalle Xasan Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso iyo Siciid Cabdiraxmaan Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Degmadda Boosaaso.
  2. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Garoowe si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya: Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) Guddoomiyaha Degmadda Garoowe iyo Maxamed Cali Maxamed (Xamari) Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Garoowe.
  3. Waxaa Guddoomiyaha Degmadda Gaalkacyo si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya Xassan Maxamed Jaamac.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.