Home Wararka Gudaha Siciid Deni: Daacish iyo Al-shabaab inta la shaqeysata waala yaqaanaa waana raadsaneynaa

Siciid Deni: Daacish iyo Al-shabaab inta la shaqeysata waala yaqaanaa waana raadsaneynaa

130
0

Sabti 28-da January 2023, (Garoowe-Xog-ogaal) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa sheegay inuu soo socdo qorshe amni oo lagu beegsanayo dadka Shabaab iyo Daacish la shaqeeya, madaxweyne Deni ayaa sheegay inay ogyihiin dadka la shaqeysta Shabaab iyo Daaciash, wuxuuna sheegay inta aan loo gudbin dagaalka buuraha in wax laga qabanayo kuwa magaalooyinka ku sugan.

“Xaqiiqdan idiin sheegayaa, qorshaha amni ee soo socda inta aanan buuraha aadin, kuwa gudaha joogaan raadsanaynaa” ayuu yiri madaxweyne Deni, hadalka Deni ayaa ku soo beegmay, xilli degaano katirsan gobolka Bari loo gaarsiin waayay diiwaan galinta doorashada, cabsi laga muujiyay halista amni ee ka imaan karta Shabaab iyo Daacish, oo ku sugan buuraha gobolka Bari, labo maalin ka horna Mareykanka ayaa duqeyn uu ka fuliyey gobolka Bari ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Daacish.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.