Home Wararka Gudaha Shirkii horumarinta xanaanada xoolaha oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay..

Shirkii horumarinta xanaanada xoolaha oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay..

182
0

(Muqdisho-Xog-ogaal) Shirkan oo looga hadlayay dejinta qorshaha hormarinta xoolaha Soomaaliyeed ayaa muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho .

Waxaa ka qayb galay shirka xubno matalayay Wasaaradaha xanaanada xoolaha Dowlad goboleedyada dalka , bangiga aduunka ee world bank, hay’ada cunada iyo beeraha u qaabulsan Qaramada midoobe ee FAO, xubno kasocday hay’adaha deeq bixiye yaasha, UN-ka ,EU, qaar kamid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee Soomaliyeed, ganacsato iyo marti kale.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xuseen Maxamuud sheikh Xuseen oo shirka soo xiray ayaa waxa uu sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee dib u eegis lagu sameeyo burburkii kadib qorshaha hormarinta xoolaha Soomaliyeed loona diyaariyay istaraa tiijiyad dhamaystiran oo laga wada tashaday.

xog_ogaal@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here