Home Wararka Gudaha Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa abaalmarisay ku dhawaad 1000 macaamiil Todobaadkii (23 aad...

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa abaalmarisay ku dhawaad 1000 macaamiil Todobaadkii (23 aad ) MunaasabadLagu qabtay beerta nabada ee Magaalada Muqdisho..

189
0

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho,  Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta  & iibka  shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane  Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid  Wax tar u leh  bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa fursadan qaaliga ah kaasoo isticmaala adeegyda somtel ku hadal, internet & adeegga eDahab

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga, Bajaajyada, Dahab-ka I.w.M  Waxaan balan qaadeeynaa inan   31 December si rasmi ah ugu dhawaaqno macaamiilkii ku guuleystay gaariga Hyundai-ga  Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah Qiimihiisu uu yahay ku dhawaad 40’000 doolar iyadoo macaamiisheenu  u furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartamaan macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa gobalada. Waxaan shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed. qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiyay waxaan bixinay 23 bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan bogaadinayaa macamiilkii ku guuleystay galabta gaadiidka bajajka waa Olole daaah-furan waxaan todobaadka Soo Socdo ka Dhawaaqi doonaa macaamiilka ku guuleeystay gaarigii sedexaad iyadoo marti sharafta aan ku marti-qaadnay gacantooda inoogu generate gareyn doonaan inshaa’alaah”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada  Salam Dr: Bashiir Aw-Diini oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku celisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen  Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 23 aad  aan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada  macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel  waxaa xusid mudan in shirkaddu abuurtay xarunta tababarka tiknoolujiyada somtel oo ah xaruntii ugu nhoreysay ee lagu tababaryo ardayda baratay kuliyada ( Focult Of Engireeing) Sidoo kale kama marna ardayda baratay (IT)

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay  Gudoomiyaha Degmada Waaberi Mudane: Sugaal Cali Ayaanle oo ah   oo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso

“ Waxaan si diiran u bogaadinaya maamulka sare ee somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bulshadu wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo  qabaneeysa barnamijkan daah-furnaanta leh oo ay bulshada ku celinayaan 10’000 hadiyadood iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah Waxaa Xusid Mudan in  Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo la timid Istaraatijiad Suuq-geyn dhaxal  gal ah kaasoo aan ka jirin suuqa soomaliya waxa Hubal ah in ololahaan macaamiil fara-badan ku dhiiragelin doono isticmaalka adeegyada somtel iyagoo faa’iido dheeri ah ka helaya Waxaan la wadaagayaa bulshada soomaaliyeed in macaamiil fara badan oo ku dhaqan Degmada Waaberi ay ku guuleysteen hadiyado qaali ah sida Bajaajyo’ Laptopyo’ Tvs’ Dahab  iyo hadiyado kale oo qaali ah, Waxaan ugu dambentii Waxaan u mahad Celinayaa beerta Nabadda oo Todobaad kasta  lagu qabto xaflada tan  markii la bilaabay inaguna maamulka Degmada waxaan diyaar u nahay inan ka cawinio amniga  wax-yaabaha ay naga soo codsan si loo fudydeeyo barnaamijkaan wax tar-ka uleh Umada Soomaaliyeed”

Ugu dambeyntii Waxaa munaasabada  ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Mudane: Mucaawiye muudeey oo bogaadiyay olaha ku shubo oo guuleeyso

“waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah ugu generate gareyno  macaamiisha  u tartantay hadiyadaha ‘10’000  todobaadkii 23 aad   Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta  si gaar ah uga  soo qeyb-galo  Si dhow ayan ula socdaa  ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh hadiyado  wax ku ool ah sida:  gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab,  Laptop-yo I.w.m  waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshada wax ku celineeyso  10’000 hadiyadood. Waxaan cadeeynayaa in olalahaan uu daah-furanyahay oo waxaa ku guulestay macaamiil kala joogo deegano kala gedisan Degmada aan Gudoomiyaha ka ahay waxaa ku guuleystay ku dhawad 10 macaamiil kuwaasoo helay hadiyado waa-weyn kuwaasoo daboolaya baahiyahooda gaarka ah”

Isku soo wada duuboo Dhamaan  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood  , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaari Hyundai-ga kaasoo Todobaadkan  31 bisha December  aan si rasmi ah ugu dhawaaqi doono macaamiilkii ku guuleystay   gaarigii lsedexaad waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta  Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood macaamiil Waad  u  u tartami kartaan ilaa Daqiiqada ugu dambeeysa Maalinta jimcaha 31/12/2021abaaraha 05:30pm (Galabnimo) fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo,ugu dambeyntii waxaad uga shuban kartaa adeegga eDahab Reseller

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai  Sedexaad macaamiilka ku guuleystay Somtel waxa ay ku bixin doonto xaflad balaaran taasoo lagu qaban doono mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan  magaalada muqdisho hadaba si dhow ula soco munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.

Halkaan ka daawo sawiradda:

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.