Home Wararka Gudaha Shirkadaha korontada ee Muqdisho oo gaaray heshiis qiimo kordhin oo ka dhan...

Shirkadaha korontada ee Muqdisho oo gaaray heshiis qiimo kordhin oo ka dhan ah shacabka

206
0

Talaado 15-ka Maarso, (Mogadishu-xog-ogaal) Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee magaalada Muqdisho oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay inay qiimo kordhin ku sameeyeen lacagta korontada,shirkadaha oo ah seddex shirkad oo kala ah BECO, Muqdisho Power iyo Blue Sky ayaa sheegay inay kalkii Kiilo Waat ay ku dareen lacag 0.10 cent.

War-saxaafadeedka kasoo baxay shirkadahaan ayaa lagu sheegay in qiimaha shidaalka uu lixdii bilood ee ugu dambeeyey uu gaaray qiimihii ugu sareeyey, taasna ay culeys ku keentay shaqadii ay u hayeen Bulshada,shirkadaha ayaa sheegay inay qiimaha korontada ku dareen qiimihii ugu hooseeyey ee la awooday in lagu daro kadib shir muddo u socday madaxda shirkadahaan

“Hadaba si loo sii wado adeegii korontada ee bulshadda aan u haynay, waxaa la Isla gartay in qiimaha kilowaat-ka wax logo bedelo. Iyadoo aan tixgalinayno duruufaha adag ee lagu jiro  ayaa la go’aamiyey in lagu daro halkii kilowaat $0.10 cents (Toban cent) Laga bilaabo bishan Maarso 2022 ee hadda socota,” ayaa lagu jiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii shirkadaha korontada bixiya ayaa sheegay inay ka xun yihiin sare u kacaan uu sababay shidaalka, iyagoo rajeeyey in mustaqbalka dhow wax laga badali doono,qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa aad uga carooday go’aankan ayada oo baraha bulshada ay qabsadeen qoraallo lagu cambaareynayo go’aanka shirkadaha.

Shacabka ayaa sheegay in xilli ay wajahayaan sicir-barar xooggan iyo qiimaha cuntada oo aad u sare kacay aysan ka fileyn shirkadaha inay culeyska kusii kordhiyaan.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.